|
Muqdisho,(insidesomalia.org0-Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Burundi ayaa maanta Sheegay in ay taageerayaan Shirka dib u heshiisiinta ee ka soconaya wadanka Jabuti, kadib Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Gaashaandhiga Wadanka Burundi Jirmiim Niyoyonkana oo soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in ay Dowladiisa si weeyn u taageeyreeyso Shirka dib u heshiisiinta ee kooxaha Soomaalida uga socanaya Dalka Jabuuti, waxaana uu sidoo kale sheegay in shirkaasi uu yahay mid ay Soomaalida si weeyn u sugayaan waxa ka soo baxa.
Jirmiim Niyoyonkana ayaa ka hadlay xaalada Magaalada Muqdisho iyo qaraxyada ismiidaaminta ah ee lagu qaaday Ciidamada Burundi ee ku sugan Jaamacadii Ummada ee Magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in ismiidaamintaasi uu ahaa mid ceeb ah, isla markaana lagu soo qaaday Ciidamo Shacabka Soomaaliyeed taagerayay waa sida uu hadalka u dhigayee.
Wasiirka Gaashaandhiga Wadanka Burundi Jirmiim Niyoyonkana ayaa sidoo kale tilmaamay in ay isku dayi doonaan in xaalada Dalka Soomaaliya ay wax ka bedelaan,isla markaana ay Dowladda Soomaaliya taageeraan, waxaana uu maanta galinkii hore kulan uu la yeeshay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya.
Jirmiim Niyoyonkana waxaa uu tilmamay in shacabka Soomalida looga Baahan yahay in ay taageeraan Dowladda Soomaaliya oo ah mid sharci ah waa sida uu hadalka udhigeye.
“ Waxaa Soomaalida looga Baahan Yahay in ay dib u heshiisiin Sameeyaan intii ay noqon lahaayeen dad iyagu is dagaala taasi ayaa suurto gal ka dhigi karta in wax loo qabto dadka danyarta ah ee ay macluusha ku heeyso Gudaha Dalka Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Gaashaaniga Dalka Burundi.
|